𝐓𝐚𝐫𝐭𝐚𝐧𝐤𝐢𝐢 𝐮𝐠𝐮 𝐡𝐨𝐫𝐫𝐞𝐞𝐲𝐚𝐲 𝐞𝐞 𝐊𝐮𝐛𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐠𝐭𝐚 𝐞𝐞 𝐮 𝐝𝐡𝐞𝐱𝐞𝐞𝐲𝐚 𝐊𝐮𝐥𝐥𝐢𝐲𝐚𝐝𝐚𝐡𝐚
Kulamo xiiso leh, xeelado qorshaysan, iyo taageero xooggan ayaa lagu arkay...
Kadib aasaaska 𝐆𝐨𝐥𝐚𝐡𝐚 𝗪𝐚𝐤𝐢𝐢𝐥𝐚𝐝𝐚 𝐀𝐫𝐝𝐚𝐲𝐝𝐚 (HUSRC), 𝐉𝐚𝐚𝐦𝐚𝐜𝐚𝐝𝐝𝐚 Hormuud waxay markale muujisay ruux cusub oo midnimo iyo firfircooni leh, iyadoo la qabtay 𝐓𝐚𝐫𝐭𝐚𝐧𝐤𝐢𝐢 𝐮𝐠𝐮 𝐡𝐨𝐫𝐫𝐞𝐞𝐲𝐚𝐲 𝐞𝐞 𝐊𝐮𝐛𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐠𝐭𝐚 𝐞𝐞 𝐮 𝐝𝐡𝐞𝐱𝐞𝐞𝐲𝐚 𝐊𝐮𝐥𝐥𝐢𝐲𝐚𝐝𝐚𝐡𝐚.


Tartanku ma ahayn ciyaar keliya, balse wuxuu ahaa madal ay ardaydu ku muujiyeen wadajir, tartan caafimaad qaba, iyo xirfad ciyaareed oo heer sare ah. Kulamo xiiso leh, xeelado qorshaysan, iyo taageero xooggan ayaa lagu arkay garoonka, kulliyad kastaa waxaa ay soo bandhigtay dadaal iyo isku-duwid kooxeed oo muuqata.


Ugu dambayn, Faculty of Shari'a & Leadership ayaa ku guuleysatay koobka sanadkaan, kadib bandhig ciyaareed lagu xasuusan doono adkaysi, nidaam, iyo wada shaqeyn heer sare ah.





