HU Resources
HORMUUD UNIVERSITY
About & Academics
Jaamacadda Hormuud oo Ka Qeyb Gashay CityСot Tech Summit 2aad

Jaamacadda Hormuud oo Ka Qeyb Gashay CityСot Tech Summit 2aad

Ka qeyb galka shirkaan ayaa lagu xoojinayay xiriirka iyo iskaashiga u dhexeeya Jaamacadda Hormuud iyo Jaamacadda Citycot

Jaamacadda Hormuud oo Ka Qeyb Gashay CityСot Tech Summit 2aad
Jaamacadda Citycot ee magaalada Boosaaso ayaa booqasho rasmi ah ku qaabishay Agaasimaha Warbaahinta ee Jaamacadda Hormuud, 𝐄𝐧𝐠. 𝐀𝐛𝐝𝐮𝐥𝐥𝐚𝐡𝐢 𝐀𝐛𝐝𝐢𝐫𝐚𝐡𝐦𝐚𝐧 𝐘𝐚𝐬𝐢𝐧, iyadoo Jaamacadda Hormuud ay ka mid ahayd marti sharafta lagu casuumay shirka sanadlaha 2aad ee 𝐂𝐢𝐭𝐲𝐂𝐨𝐭 𝐓𝐞𝐜𝐡 𝐒𝐮𝐦𝐦𝐢𝐭, isla markaana la dhisaayo xiriir iyo iskaashi oo u dhexeeya Jaamacadda Citycot iyo Jaamacadda Hormuud.
Intii uu kulanku socday, labada dhinac waxay si qoto dheer uga wada hadleen muhiimadda iskaashiga jaamacadaha, gaar ahaan dhinacyada horumarinta waxbarashada, iyo is-dhaafsiga khibradaha. Iyadoo diiradda la saaray dhismaha xiriir oo ku dhisan wada shaqeyn iyo horumar wadajir ah, taas oo door muhiim ah ka qaadan karta kobcinta tayada waxbarashada iyo hal-abuurka.
Sidoo kale Jaamcada Hormuud waxay ka qeyb gashay Shirka 2aad ee 𝐂𝐢𝐭𝐲𝐂𝐨𝐭 𝐓𝐞𝐜𝐡 𝐒𝐮𝐦𝐦𝐢𝐭 oo ka dhacay magaaladaas, kaas oo lagu soo bandhigay xalal tiknoolajiyadeed oo maxalli ah oo loogu talagalay inuu daboolo baahiyaha bulshada deegaanka.