HU Resources
HORMUUD UNIVERSITY
About & Academics
Jaamacadda Hormuud oo MoU la Saxiixatay Jaamacadda Universitas Islam Riau (UIR)

Jaamacadda Hormuud oo MoU la Saxiixatay Jaamacadda Universitas Islam Riau (UIR)

Heshiishkaan ayaa albaabada u furaya cilmi-baaris, is-dhaafsiga ardayda, iyo wadaagista khibradaha u dhexeysa labada jaamacadood

Jaamacadda Hormuud oo MoU la Saxiixatay Jaamacadda Universitas Islam Riau (UIR)
 
𝐉𝐚𝐚𝐦𝐚𝐜𝐚𝐝𝐝𝐚 Hormuud ayaa saxiixday 𝐡𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐢𝐬-𝐚𝐟𝐠𝐚𝐫𝐚𝐝 (𝐌𝐨𝐔) ah taasoo ay la gashay jaamcadda 𝐔𝐧𝐢𝐯𝐞𝐫𝐬𝐢𝐭𝐚𝐬 𝐈𝐬𝐥𝐚𝐦 𝐑𝐢𝐚𝐮 (UIR Unggul), oo ah mid ka mid ah jaamacadaha ugu sareeya ee ku yaala dalka 𝐈𝐧𝐝𝐨𝐧𝐞𝐬𝐢𝐚, isla markaana lagu yaqaano isku-dhafka qiyamka Islaamiga ah iyo waxbarashada casriga ah. Iskaashigan wuxuu ka tarjumaayaa aragti wadaag ah oo ku saabsan horumarinta tayada waxbarashada iyadoo la ilaalinayo dhaqanka iyo anshaxa.
Heshiiskaan ayaa gundhig u ah iskaashi oo ay ka mid yihiin cilmi-baaris wadajir ah, is-dhaafsiga ardayda iyo macallimiinta, horumarinta aqoonta, iyo wadaagista khibradaha. 𝐉𝐚𝐚𝐦𝐚𝐜𝐚𝐝𝐝𝐚 Hormuud waxaa munaasabadda ku matalaayey Guddoomiyaha Jaamacadda, 𝐏𝐫𝐨𝐟. 𝐃𝐫. 𝐀𝐛𝐝𝐢 𝐎𝐦𝐚𝐫 𝐒𝐡𝐮𝐫𝐢𝐲𝐞, iyo hoggaanka sare ee ka tirsan jaamacadda 𝐔𝐧𝐢𝐯𝐞𝐫𝐬𝐢𝐭𝐚𝐬 𝐈𝐬𝐥𝐚𝐦 𝐑𝐢𝐚𝐮 (UIR Unggul), kuwaas oo adkeeyay muhiimadda iskaashaan istaraatiijiga ah ee kor loogu qaadaaya tayada waxbarashada iyo hal-abuurka.
Iskaashigaan wuxuu sidoo kale xoojinayaa jawi dhiirrigeliya waxbarashada, is-dhaafsiga dhaqanka, iyo horumar waara. Waxa uu astaan u yahay tallaabooyinka muhiimka ah ee 𝐉𝐚𝐚𝐦𝐚𝐜𝐚𝐝𝐝𝐚 Hormuud ay ku ballaarinayso xiriirkeeda caalamiga ah, isla markaana ku dhiseysa xiriirro macno leh oo ka gudba xuduudaha, taas oo ka tarjumaysa aragtideeda ah in ay door muuqda ka qaadato mustaqbalka waxbarashada sare.